APICA is a non-profit, non-partisan NGO based in Somaliland, working to promote peace, social cohesion, and sustainable development. Through advocacy, capacity building, and grassroots action, APICA empowers communities to build a just and inclusive society.

Contact info

Hargeisa, Somaliland +252 63 4563301 [email protected] Office Hours: 8AM - 5PM Saturday - Thursday Day

Madasha Dibloomaasiyadda iyo Xidhiidhka Caalamiga Somaliland Forum of Diplomacy and International Relations (SOFDIR) ayaa xalay xaflad casho sharaf ah ku maamuustay Agaasime Ku-xigeenka Fulinta ee Ethiopia Youth Dialogue for Peace Association, Mudane Alem Kahsay, iyo Madaxa Xidhiidhka iyo Dadweynaha, Mudane Minase Theodros.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Fulinta Dalladda dhallinyarada heer qaran ee SONYO Umbrella, Mudane Axmed Maxamuud Cabdi, iyo masuuliyiin kale oo sare oo ka tirsan SOFDIR. Wafdiga ka socda Ethiopia ayaa si weyn u bogaadiyey dadaalka Madasha SOFDIR ee xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo wada-shaqaynta dhalinyarada labada dal.

Agaasimaha Fulinta ee SOFDIR, Mudane Abdoulkarim Mohamed, ayaa dhankiisa muujiyey sida ay Somaliland uga go’an tahay kobcinta iskaashiga dhallinyarada iyo nabadda gobolka. Kulankan ayaa lagu lafaguray fursadaha isk,aashi ee labada dhinac, iyada oo la xoojiyey xidhiidhka walaaltinimo ee Somaliland iyo Ethiopia.

Xafiiska warbaahinta (SOFDIR)Ee Hargeisa/Somaliland

Leave A Comment