APICA is a non-profit, non-partisan NGO based in Somaliland, working to promote peace, social cohesion, and sustainable development. Through advocacy, capacity building, and grassroots action, APICA empowers communities to build a just and inclusive society.

Contact info

Hargeisa, Somaliland +252 63 4563301 [email protected] Office Hours: 8AM - 5PM Saturday - Thursday Day

SOFDIR oo Xafiiskeeda ku Qaabishay Wefti ka socda EYDPA Ethiopia: Xoojinta Iskaashiga Dhalinyarada, Xidhiidhka Taariikhiga ah ee Somaliland & Ethiopia, iyo Nabadda Gobolka.

Madasha Dibloomaasiyadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland (SOFDIR) ayaa si rasmi ah xafiiskeeda ugu qaabishay wafdi sare oo ka socda Ururka Ethiopia Youth Dialogue for Peace Association #EYDPA ee Ethiopia. Wafdigan oo uu hoggaaminayey Agaasime Ku-xigeenka Fulinta, Mudane Alem Kahsay Gebremedhin, iyo Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha, Mudane #Minase Theodros, ayaa helay soo dhaweyn diirran iyo martigelin heer sare ah oo ay u fidisay SOFDIR.

Kulankan muhiimka ah waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Fulinta ee Dallada heer Qaran ee Dhalinyarta Somaliland (SONYO), Mudane Ahmed M. Abdi iyo madax sare oo ka tirsan SOFDIR, oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Fulinta, Mudane Abdoulkarim Mohamed. Munaasabaddan oo ahayd mid sare u qaadaysa iskaashiga diblomaasiyadeed ee dhalinyarada, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta u dhaxaysa labada urur, loona adkeyn lahaa xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa si qoto dheer u falanqeeyey fursadaha iskaashi ee ku saleysan horumarinta nabadda, kor u qaadista is-dhexgalka dhalinyarada, iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhada horumarineed. Masuuliyiinta SOFDIR ayaa bogaadiyey dadaalka ururka #EYDPA iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimada iskaashi wax ku ool ah oo lagu horumarinayo nabadda iyo horumarka gobolka.

Kulankan muhiimka ah ayaa lagu soo gebogabeeyey ballanqaad adag oo la xidhiidha sidii labada urur usii xoojin lahaayeen wadashaqeynta, iyada oo la dejinayo qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu hormarinayo doorka dhalinyarada ee nabadda iyo horumarka labada dal.

Xafiiska Warbaahinta ee Madasha Dibloomaasiyadda iyo Xidhiidhka Caalamiga Somaliland (SOFDIR) Hargeisa- Somaliland

Leave A Comment